Haweeney sheegtay inuu si qarsoodi ah u qabay Jamal Khaashuqji oo soo baxday iyo sawirro caddeymo ah

Washington (Caasimada Online) – Wargeyska The Washington Post waxa uu maanta daabacay wareysi ay la yeesheen Haweeney u dhalatay dalka Masar, taasi oo sheegtay inuu si qarsoodi ah u guursaday Saxafigaasi, dhowr bilood ka hor inta aan lagu dilin Qunsulliyadda Sacuudiga ee magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga.

Haweeneyda waxay magaceeda ku soo koobtay H. Atr, iyadoo codsatay inaan magaceeda oo dhamaystiran la shaacinin sababo Ammaankeeda iyo Shaqadeeda.

Waxay tilmaamtay inay munaasabadda Nikaaxa si qarsoodi ah loogu qabtay Washington, iyadoo aysan ka war qabin Xaaskiisa Turkishka ee Khadiija Cengiz iyo xubnaha Qoyska Jamaal Khaashuqji, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay Wargeyska Washington u soo bandhigtay caddaymaha Nikaaxa iyo Sawiro ay la gashay Jamaal Khaashuqji.

Haweeneyda Masaarida waxay codsatay Ka Xaas Mulim ahaan in la siiyo Xuquuqdeeda oo buuxda iyo in loo ictiraafo inay tahay Xaaskii Saxafigaasi.

Dhinaca kale, mid ka mid ahaa saaxiibada khaaska ee Saxafigaas oo  codsaday inaan magaciisa la shaacinin waxa uu u sheegay Waregeyska The Washington Post inuu goobjoog ka ahaa Munaasabaddii uu Jamaal khashoggi ku mehersaday Haweeneyda Masaarida ee haatan isa soo bandhigtay inay tahay Xaaskii Jamaal Khaashuqji.

Baraha Twitter-ka ayaa la soo dhigay Sawiradda iyo magaca haweeneydaas, oo lagu sheegay Xannaan.

Xigasho: Washington Post
Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abuubakar