DF oo soo saartay QORAAL kale oo la xiriira dilka suxufi Khaashuqji ee Sacuudiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa soo saartay qoaraal kale oo la xiriira dilka suxufiga Sacuudiga ee Jamaal Khaashuqji, kaasi oo ay ku taageereyso boqortooyada

Qoraalka oo Carabi lagu qoray, islamarkaana lasoo dhigay barta twitter-ka ee wasaaradda ayaa lagu yiri “Dowladda federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweeneysaa baaritaanka dacwad oogaha guud ee Sacuudiga, kaasi oo dad loogu xiray kiiska dilka suxufi Jamaal Khaashuqji”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Soomaaliya waxay tani u aragtaa tallaabo jihada saxan loo qaaday oo lagu raadinayo xaqiiqda kiiskan”.

Qoraalkan ayaa ah kii labaad ee Soomaaliya ay ku taageerto Sacuudiga, marka ay timaado kiiska dilka Jamaal Khaashuqji, ayada oo Soomaaliya qoraaal midkan la mid ah bil ka hor uga digtay waxa ay ugu yeertay handaadda ka dhanka ah Sacuudiga.

Sida la ogyahay qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa u dhacaya mid boqortooyada Sacuudiga iyo xubnaha xukunka haya loogu dhigayo inaysan wax shaqo ah ku lahayn kiiska.

Si kastaba Hay’adda sirdoonka dhexe ee Mareykanka ee CIA, ayaa go’aamisay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu amray dilka suxufi Jamaal Khaashuqji, taasi oo burineysa doodda Sacuudiga ee ah in Bin Salmaan uusan waxba ka ogeyn dilka, waxaa sidaas werisay Washington Post.

Qiimeynta ay sameysay CIA-da, ayaa ah tii ugu xoogganeyd ee Bin Salmaan si toos ah ula xiriirineysa dilka Jamaal Khaashuqji, oo labadii October ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Halkan ka aqri warkaas.

Hoos ka arag warqadda maanta kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com