Sawirro: Ciidamada Puntland oo maanta Daacish badan ku dilay buuraha Calmiskaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamada la dagaalanka argagixisada ay guulo ka gaareen dagaal maanta ay ku qaadeen kooxda Daacish ee ku sugan gobolka Bari.

Dagaalkaas ayaa maanta ka dhacay buuraha Calmis-kaad ee gobolka Bari, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay kooxda ka qabsadeen dhowr saldhig oo ay ku lahaayeen buuraha Calmiskaad, kadib dagaal toos ah oo maanta dhexmaray labada dhinac.

Wasiir Caydiid waxaa uu sheegay in deegaanka Bali-dhidin ee maanta dagaalku ka dhacay uu ahaa halkii ay ku xoogganaayeen kooxda Daacish ee uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Muumin.

Puntland ma sheegin khasaaraha inta uu la’eg yahay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Bali-dhidin ee gobolkaas.

Warbaahinta ayaa soo bandhigtay sawirrada meydadka xubno ajaanib ah oo ka tirsanaa Daacish, kuwaas oo ciidamada Puntland ay dagaalka ku dileen.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqay dagaal ay ku qaadeen buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin kooxda Daacish.