Sawirro: Colaad ka taagneyd Matabaan oo la xaliyey

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad ayaa ku guuleystay in xal kama dambeys ah laga gaaro colaad muddo dheer ka taagneyd gudaha degmada Matabaan iyo deegaanada ku xeeran ee gobolka Hiiraan.

Kulan ka dhacay degmadaasi, islamarkaana ay ka qeyb galeen taliyaha guutada 15-aad, odayaasha iyo qeybaha bulshada ayaa lagu soo afjaray xiisadaasi oo u dhexeysay labo maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda magaalooyinka Beledweyne iyo Matabaan.

Jen. Mascuud Maxamed Warsame taliyaha guutada 15-aad, qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga oo kulanka ka hadlay ayaa kula dardaarmay odayaasha labada dhinac inay ka dhabeeyaan heshiiska, islamarkaana ay ka wada shaqeeyaan nabadda deegaanka.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday maleeshiyaadka labada beelood inay ka fogaadaan wax kasta oo dib u soo celin karaa colaadaasi.

Ugu dambeyn qaar ka mid ah odayaasha ee ka qeyb galay shirka oo madasha ka hadlay ayaa ballan qaaday inay qaadan doonaan doorkooda, islamarkaana ay dhaqan gelinayaan heshiiska la gaaray oo lagu kala qaadanayo Diyo laga bixinayo dilalkii hore ee ay isugu geysteen labada beelood, si ay xal waara ugu noqoto xiisadaasi.

Hiiraan ayaa waxa in muddo ah ka taagnaa colaado salka ku hayo arrimo la xariira aano qabiil, kuwaas oo lagu dilay dad badan.