Dib u eegista Dastuurka oo ‘ka socon la’ hal arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha guddiga dib u eegista Dastuurka labada aqal ee baarlamaanka, Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud oo u warramay idaacadda Mustaqbal ayaa ka hadlay caqabadaha heysta arrimaha dib u eegista Dastuurka.

Senatarka ayaa shaaciyey in dib u eegistu ay ka socon la’dahay hal arrin, taas oo ah khilaafka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Xoghayaha guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada aqal ayaa sidoo kale sheegay  in xiriirka aan wanaagsaneen ee labada dhinac uu sameyn ku yeeshay howlahooda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in meesha ay ka maqan tahay doorkii laga rabay madaxda Qaranka ee arrimaha dib u eegista Dastuurka KMG Soomaaliya.

Xuseen Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa qiray in loo baahan yahay in qof weliba ay qaadato kaalinteeda, gaar ahaan dowladda iyo dowlad goboleedyada dalka.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyey in si deg deg ah looga wada xaajoodo khilaafka siyaasadeed ee haatan jira, si uusan caqabad ugu noqon geedi socodka guud ee dalka.

Khilaafka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya kala dhexeeya Jubbaland iyo Puntland oo muddo fog taagan ayaa saameeyey xiriirka iyo wada shaqeynta dhinacyadaasi.