Wariye Coldoon oo cafis looga dalbay Muuse Biixi

Boorama (Caasimada Online) ― Warbaahinta kala duwan ee ka howl-gasha magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama, ayaa maanta si wada-jir ah Madaxweynaha Somaliland uga dalbaday in cafis loo fidiyo Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Wariye Coldoon ayaa muddo u xiran Xukuumada Muuse Biixi, kaasi oo Maxkamadi ay sheegtay inay ku heshay dacwado lagu soo oogay, iyadoona  muddo saddex sano iyo dhowr bilood ahna ku xukuntay

Warbaahinta gobolka Awdal ayaa Madaxweyne Biixi ka dalbaday in uu Cafis Madaxweyne u fidiyo Wariye Coldoon, oo sidoo kale ahaa Samafale caawiya masaakiinta tabaaleysan.

Baaqan ay maanta si wada-jir ah u direen Warbaahinta gobolka Awdal, ayaa kamid noqonaya baaqyo badan oo xukuumada Biixi loogu soo jeediyay inay sii deyso Coldoon, inkasta oo ay Xukuumada Biixi u muuqato mid ka dhago adeygaysa dalabyadaasi.

Coldoon ayaa waxa hore loogu soo eedeyay, isla markaan loo xukumay gaf la sheegay in uu kula kacay Mas’uulka ugu sareeya Somaliland, Muuse Biixi iyo Iskuul lagu magacaabo Abaarso, oo ku yaala duleedka Hargeysa, kaasi oo gacanta ku hayaan shaqsiyaad u dhashay Mareykanka.

Wariye Coldaan ayaa dhowr jeer ay hore u xirtay Xukuumada Somaliland, inkasta oo uu xarigiisan noqonayo midkii ugu dheera ee ay xirto Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.