Bayaan 5 qodob ah oo laga soo saaray aflagaadadii diinta ee badhasaabka AWDAL

Boorama (Caasimada Online) ― Guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista gobolada Awdal iyo Salel, iyo qaar kamid ah Culimada magaalada Boorama oo kulan yeeshay, ayaa soo saaray bayaan culus oo ku aadan aflaagadii diinta ee uu ku kacay Badhasaabka gobolka Awdal.

Afhayeenka Guddigaasi, Sheekh Maxamuud Faarax Iidle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka ay wada qaateen Guddiga iyo Culimadu ay ku sii adkeynayeen falanqeynta arrintaasi.

Afhayeenka ayaa sheegay in la isku raacay Shan qodob, isagoona xusay in la isla qaatay in Diin-caygu uu yahay gaalnimo lagaga baxayo Diinta Islaamka.

Waxa uu sidoo kale ka dhawaajiyay Afhayeenkaasi in arrinta Badhasaabka loo haysto aysan shaqo ku laheyn arrimo Siyaasadeed ama Qabiil, balse ay tahay mid Diineed.

Hoos ka aqriso Bayaanka ka kooban 5-qodob ee ay soo saareen Guddigu:

1. In arrintaasi Diin-caygu uu yahay sida ay Culimadu ay sheegen Gaalnimo lagaga baxayo Diinta, sida ay Culimadu Diinta Islaamku ku kulmeen.

2. Waxay Culimadu ay cadeynayaan oo ay xoojinayaan inay sax tahay arrintii ay sheegen, kuna deg-degin oo Markhaatiyaal ka badan intii loo baahnaana ay u hayaan arrintaasi.

3. Arrintaasi waa arrin Diiniya oo aan shaqo ku laheyn Siyaasad iyo Qabiil-toona.

4. Guddiga wanaag faristu iyadoo gudaneysa waajibaadkeeda Diineed iyo midka Qaran, inay u gudbiyeen Hay’addaha ay khuseyso oo dhan, baadhitaan dheer kadib.

5. Waxay ugu baaqayaan Culimada waaweyn ee dalka dhamaantood inay si dhow ula socdaan arrintan iyada ah.