Sawirro: Daacish oo soo bandhigtay cadeyn ay ku miijinayaan dil ay manta ka geysteen Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxda Daacish ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Askari katirsanaa Ciidamada Ilaalada Nabad galyada Wadooyinka oo Maanta lagu dilay Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Ninka la dilay waxa ay sheegeen in uu ahaa Sarkaal katirsan Degmada Hodan, waxayna Baahiyeen Sawirro uu ka dhex muuqdo mid kamid ah Kooxdii dilka u geysansatay oo Rasaas ku dhufanaya.

Weerarkaas ayaa dadka degaanku sheegeen in lagu dilay xubin ka tirsan ciidamada ilaalada gaadiidka waddooyinka. Dawladda Soomaaliya weli kama hadlin dilkaasi iyo cidda ka dambaysay.

Askariga xilliga la dilaayay ayaa wuxuu ku hawlanaa kala hagista gaadiidka wadooyinka marayay nawaaxiga Isgoyska Bakaaraha, qaybta Degmada Hodan.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa tagay goobta dilka uu ka dhacay, kuwaasi oo sameeyay hawlgalo baaritaan ah, mana jirin cid ay gacanta ku soo dhigeen.

Dilal ka kala dhacay Muqdisho iyo Afgooye ayay sheegatay Kooxda Daacish, waxaana ugu dambeeyay Wiil dhalinyaro ahaa oo lagu dilay Suuqa Bakaaraha isla Bishaan May.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com