Gaas oo cadeeyay qorshaha cad oo ay ka leeyihiin Dagaalka Tukaraq ee kala dhexeeya Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa daboolka ka qaaday in dhammaan ciidamada iyo shacabka Puntland ay mas’uuliyad ka saran tahay badbaadinta deegaanka Tukaraq.

Cabdiweli Gaas oo arrinta Tukaraq kala hadlay Saraakiisha iyo waxgaradka Puntland ayaa ku amray inay isgarabtaagan dhalinyarada ku jirta jiida dagaaalka ee Tukaraq.

Cabdiwali Gaas, ayaa waxgaradka amar uga dhigay inay ka qeybqaatan Dagaalka Tukaraq ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, waxa uuna u cadeeyay in dagaalkaasi uu yahay mid waajib ku ah maamulka iyo shacabkiisa.

Waxa uu tilmaamay in qorshaha ay ka leeyihiin dagaalka Tukaraq uu yahay sida ay Puntland ku maamulan laheyd deegaanada muranka ugu jira, sida Tukaraq.

‘’Cida aan dagaalka Tukaraq u arag mid waajib ah waxaa ku waajibay inay afka qabsadaan hadii aan waxba soo kordhineynin’’

Cabdiweli Gaas waxa uu Saraakiisha iyo waxgaradka u cadeeyay in Mowqifka Puntland uu yahay in dib u xoreyn lagu sameeyo deegaanka Tukaraq oo uu sheegay in dhiig badan oo dhalinyaro reer Puntland ah ku waayen.

‘’Tukaraq waxaa ku daatay dhiiga carruurteena waxaa na gubeysa in dhiigaasi qoyan laga dhigaa mid aan waxba ka jirin, waa inaan isgarabtaagnaa dhalinyaradeena ku jira jiida gadaalka’’ ayuu Gaas ku yiri Saraakiisha iyo waxgaradka ee uu kala hadlaayay arrinta Tukaraq.

‘’Mowqifkeena waa in Tukaraq maamul ahaan ay si toos ah u hoos imaadaa Puntland doonimeyso dhul aan iyada laheyn’’

Gaas, waxa uu cadeeyay inay muhiim tahay in si wada jira loo taageero qadiyada ay Puntland ku hantineyso dhulkeeda Tukaraq ee lagu heysto, waxa uuna ku baaqay in loo midoobo deegaanka Tukaraq.

Haddalka Cabdiweli Gaas, ayaa u muuqanaaya mid lagu xoojinaayo go’aan ay Puntland ku iclaamisay dagaal toosa oo ay la galaan Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com