Siyaasi caan ah oo loo magacaabay La-taliyaha Sare ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa magacaabay La-taliye sare oo u qaabilsan dhinaca siyaasadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka 19-kii bishan ayaa lagu sheegay in kadib markii uu arkay taariikh nololeedka iyo khibrada siyaasadeed ee Mudane Xasan Maxamed Jimcaale uu u magacaabay La-taliye sare ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Mudane Jimcaale ayaa hore u soo qabtay xilal kala duwan, isagoo muddo dheer ka mid ahaa Golaha Wasiirada dowladihii dalka soo maray, wuxuuna soo noqday wasiir ku xigeen iyo wasiiru dowle wasaarado kala duwan oo ay ka mid yihiin: Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka, Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa, Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federalka iyo Dib u heshiisiinta  iyo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska.

Sidoo kale Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa soo noqday Guddoomiyihii  Guddiga Road Map-ka ee Doorashadii 2012-ka, waana siyaasi la soo shaqeeyay dhammaan dowladihii dalka soo maray 18-kii sano ee ugu danbeeyay.

La-taliyaha Sare ee Arrimaha siyaasadda guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa ku soo beegmeysa iyadoo Guddoomiyaha cusub ee dhowaan la doortay Maxamed Mursal Sheekh uu xilka hayo muddo Bil ah.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA