Sawirro: DF iyo Shiinaha oo kulan ku yeeshay Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Fei Shengchao.

Kulankaan oo u jeedkiisu yahay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan gargaarka bini’aadannimo ayaa lagu lafa-guray arrimo dhowr ah oo la xiriira xaaladda bini’aadannimo ee dalka

Guddoomiyaha SODMA ayaa uga mahad-celiyey dowladda Shiinaha kaalintooda wax-ku-oolka ah ee ay ka gaysanayaan wax ka qabashada mushkiladda abaaraha, fatahaadaha iyo guud ahaan musiibooyinka bani’aadannimo ee dalkeenna ka jira.

SODMA ayaa xilligaan hormuud u ah dadaalllada loogu diyaar garoobayo cimillada El-nino oo laga yaabo in ay saameeyo ilaa hal milyan oo qof oo ku nool dalka.

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa leh xiriir wanaagsan oo saaxiibtinimo iyo iskaashi dhinacyo kala duwan ah, oo ay kamid tahay abuurista fursado ganacsi oo labada dhinac ah iyo weliba sidii looga wada-shaqeyn lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Shiinaha ayaa sidoo kale dhawaan taageeradiisa kusoo biiriyay dalal dhowr ah oo Soomaaliya ku garab istaagay dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaasi oo bilihii dambe ka socday qeybo badan oo dalka.

Si kastaba, Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah dowladdaha taageerada siiya Soomaaliya, ayada oo dhowr jeerna ay labada dhinac heshiisyo kala duwan kala saxiixdeen, kuwaasi oo qeyb ka ah horumarinta Soomaaliya.