Sawirro: DF oo caawa qabatay shir xasaasi ah oo ku saabsan qorshaha ‘Muqdishada Cusub’

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa caawa guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayay u diyaar garowga munaasabad weyn oo dowladda Soomaaliya ay qaban-qaabineyso.

Shirkaan ayaa caawa lagu qorsheeyey Daahfurka Dhismaha Horumarinta ‘Muqdishada Cusub iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho’ oo magaalada Muqdisho lagu qaban doono maalinta Khamiista ah ee 19-ka bishaan Diseembar 2024.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Mashruucyadan oo leh muhiimmad qaran, ay xoojin doonaan kobaca dhaqaalaha iyo horumarka Muqdisho.

Wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho loo beddeli doono xarun ganacsi oo heer caalami ah.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirrada, Agaasimeyaasha iyo Masuuliyiinta kale ee ka qeyb qaadanaya fulinta mashariicda horumarineed ee wejiga koowaad ee qorshahan.

Masuuliyiintii kasoo qeyb gashay shirkaan waxaa laga dhageystay warbixinno ku saabsan khubarada daraasadaha kala duwan ku sameeyay mashariicda horumarinta Muqdishada cusub.

Mashruucaan  oo ay hoggaamineyso wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigi doonaa Khamiista soo socota munaasabad weyn oo ka dhacaysa Muqdisho.

Maalgashiga Soomaaliya ayaa soo badanaya waxaana socda dhismayaal iyo dhaqaale kale oo siyaabo kala duwan loogu maalgashanayo magaalada.

Muqdishada Cusub waxaa lagu tilmaamay mashruuca ugu weyn dalka, waxaana laga hirgelinayaa waqooyiga magaalada Muqdisho, halkaas oo loo rari doono garoonka ugu weyn dalka.