Sawirro: DF oo dhagxaanta ka qaaday jidadka qaar ee magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay muddo kadib dib u furay wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.

Jidadka la furay oo ay markii hore dhibaatooyin ku qabeen shacabka ayaa waxaa xalay laga qaaday dhagxaantii lagu jaray, ama lagu xiray.

Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa saaka ku soo toosay wadooyinkaasi oo u furan islamarkaana la isticmaalayo, iyaga oo si aad ah u soo dhoweeyey tallaabadaasi.

Meelaha dhagxaanta laga qaaday waxaa ka mid ah isgoysyada, Tarabuunka, Sheekh Cali Suufi, Digfeer, Danwadaagaha iyo wadooyin kale oo jidcadayaal ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble  uu bixiyey amarka lagu furay jidadkaasi oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Dhinaca kale waxaa jira wadooyin weli xiran oo ay yaallaan dhagxaan iyo carro tuur horey loogu xiray, si loo hakiyo isticmaalka gaadiidka.

Muqdisho ayaa muddo fog ku jirtay xaalad adag oo kala wareeg ah, iyadoo dadku ay ka cabanayeen xirnaashaha wadooyinka waa weyn ee caasimada, kuwaas oo sababay inay kala xiranto magaalada, islamarkaana ay isaga kala gooshi waayeen gaadiidka BL-ka.

Si kastaba ha’ahaatee arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli dowladda federaalka uu ka sii dhamaanayo muddo xileedka, islamarkaana ay isku diyaarineyso doorashada 2020/21.