Muxuu yahay heshiiska ay gaareen Somalia iyo Eritrea?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Eritrea ayaa wada-hadallo gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalkaasi, Isaias Afwerki.

Labada madaxweyne ayaa kulamadooda diirada saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeyey Soomaaliya iyo Eritrea.

Sidoo kale waxa ay ku heshiyeen in dib loo cusbooneysiiyo heshiiskii ay labada dowladood Asmara ku gaareen sanadkii 2018-kii, kaas oo qeexaya muhiimadda ay leedahaay madax banaanida dhuleed, siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa sidoo kale isla af-gartay in la sii dardar-geliyo dadaallada is-dhexgalka gobolka ee wadamada Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in kulamada labada dhinac ay sii socon doonaan, waxaana booqashada madaxweyne Farmaajo ay qaadan doonto labo cisho.

Waa booqashadii saddexaad ee uu madaxweynaha Soomaaliya ku tegayo magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.

Soomaaliya iyo Eritrea ayaa xiriir toos ah yeeshay, kadib heshiiskii is-dhex-galka gobolka ee ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.