Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa ku howlan dardar galinta dhismaha Xabsi aad u weyn kaasi oo qaadaya inkabadan 2,000 oo maxaabiis ah.
Xabsigaani oo dhismihiisu uu ka socdo magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka howlgala dhismihiisa Injineero Ajaanib ah iyo shaqaale aad u badan oo Soomaali ah, waxa uuna ujeedku yahay in muddo kooban lagu soo afjaro dhismahaasi iminka socda.
Xabsiga ayaa ka kooban ilaa 3 qeyb oo kala ah xabsi, maxkamad iyo goobo shaqooyin loogu abuurayo maxaabiista.
Dhismaha Xabsigaani oo aadka u weyn ayaa waxaa fangareynaaya ilaa Seddex dowladood kuwaasi oo inta badan Dowlada Somalia ka caawiya baahiyaha ka heysata dhanka dhaqaalaha.




