Sawirro: DF oo maanta xariga ka jartay xarumo iyo waddooyin dib loo dayac tiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Maxamed Guuleed oo uu wehliyo Wasiirka ganacsiga Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha xarunta wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha oo dayactir ballaaran lagu sameeyay, dhismahaasi oo ka kooban 28 qol.

Xaflada xariga loogga jarayey dhimasha wasaaraddaasi, ayaa waxa ka soo qeyb-galay guddidii qaban-qaabada xuska 26-ka Juun, Wasiiro, guddoomiyaha gobalka Banaadir, xildhibbaano iyo mas’uuliyiin kale oo tiro badan, kaasi oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho.

Dayac-tirkan lagu sameeyey Wasaaradda, ayaa waxa qabatay hay’adda UNIDO oo taageero ka helaysa hay’adda dhinaca horumarinta ishkaashiga u qaabilsan dawladda Talyaani.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Gulled oo uu wehliyay guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa sidoo kale xariga ka jaray xarumaha degmooyinka Xamar Jajab iyo Yaakhshiid, Jidka laamiga ah ee isku xira Isgoysyada Bakaaraha Iyo Black Sea oo dhamaantood isxilqaan lagu dhisay.

Furitaanka dhismaayinka dayactirka lagu sameeyay ayaa waxaa lagu soo aadayay munaasabada 1-da Luulyo oo ku beegan markii xornimada gobolada Koonfur ka haaqen gumeystihii Talyaaniga 1960-kii.

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa isna la filayaa inuu xariga ka jaro dayactirka lagu sameeyay garoonka kubada cagta ee Muqdisho oo si gurux badan loo habeeyay.