BF oo meel-mariyey xeerka deegaameynta kuraasta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xeerka deegaameynta kuraasta Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in 144 mudane ay ogolaatay xeerka, 2 xildhibaan ayaa diiday halka ay 4 xildhibaan ka aamuseen.

Maalmahii lasoo dhaafay ayey cabasho ka timid xeerkaan, waxaana jiray in xildhibaanada qaarkood meel ka baxsan deegaan doorashadooda la geeyay kuraastooda.

Maamul goboleedyada ayaa horay u diiday xeerkaan, waxaana jiray shaki badan oo ay qabeen siyaasyiinta kuna aadan tallaabda ay maanta qaadeen xildhibaanada Golaha Shacabka.

Inkastoo Xildhibaanada xeerkaan maanta ay meel mariyeen ayaa tani waxa ay muujinaysa xusul duubka Golaha ay ugu jiraan sidii mar kale ay ku soo noqon lahaayeen, maadaama Xildhibaanada qaar aysan kalsooni ku qabin beelahooda oo ay rabaan in Kuraasta deegaano kale ay ku dhacaan.

Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay ansixinaayay xeerar kala duwan oo intiisa badan Golaha dan ugy jirto marka si hoose loo odoroso.

Siyaasiyiin badan ayaa walaac xoog leh ka muujinaayo xeerka Asteynta Kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliya ee maanta Xildhibaanada ay meel mariyeen.