Sawirro: DFS oo taliyihii ciidanka madaxtooyada Jubbaland u magacowday XIL culus + WARBIXIN

Muqdisho (Caasimada Online) – DF Somalia ayaa magacowday Taliyaha ciidanka xooga dalka qaybtiisa labaad ee saldhiga 43aad ee xaruntiisu tahay magaalada Kismaayo.

Taliyahaani ayaa waxaa lagu magacaabay Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaarada Gaashandhiga DF Somalia, waxaana Dikreetada lagu xaqiijiyay in gaashaanle sare Muxyadiin Cabdixakiim Sayid uu noqon doono Taliyaha ciidanka xooga qaybta labaad, saldhiga 43aad.

Gaashaanle sare Muxyadiin ayaa ka hor inta aan loo magacaabin taliyaha SNA ee Jubaland ahaa taliyaha ciidanka madaxtooyada ee Jubaland.

Dikreetada ayaa waxaa sidoo kale, lagu cadeeyay in Muxyadiin ay hoos imaanayaan ciidan tiradiisu dhantahay 3800 oo askari.
muxy3

muxyadiin2

muxyadin1