Xog: Nicholas KAY oo ku wajahan Kismaayo iyo wadahadal u bilaabanaya DF Somalia & Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose uu gaaro Ergayga gaarka ah ee Xoghayah guud Qaramada Midoobay uqaabilsan Somalia Nicholas Kay iyo Xubno ka tirsan Xafiiskiisa.

Socdaalka Kay ayaa hordhac u ah wafdi ka kala socda Beesha caalamka oo waan waan ka dhex abuuraayo DF Somalia iyo Maamulka Jubbaland oo uu iminka khilaaf ka dhextaagan yahay.

Xubno ka tirsan Maamulka Jubbland ayaa xaqiijiyay in Kay uu doonaayo inuu xal ka dhex abuuro DF iyo Jubbaland, waxa ayna xubnahaasi sheegen in safarkiisa uu qaadan doono ilaa Seddex maalin.

Warar aan la shaacin ayaa sheegaya in Wafdiga Kay ay kamid noqon doonaan Gudi ay dhawaan DF Somalia u magacowday wax ka bedelka Cabashada Maamulka Jubbland, gudigaasi oo xal u abuuri doono Dowlada.

Si rasmi ah looma shaacin goorta Kay iyo Gudiga ay ku beegan yahay Magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com