Juba: lagama yaabo in laga laabto go’aankeena

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdulqaadir Lugadheere oo ah Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Maamulka Jubbaland, ayaa ka hadlay aragtida ay ka qabaan go’aanka kasoo baxay BF Somalia.

Waxa uu sheegay in Baarlamaanka Jubbland uu sii jiri doono, waxa uuna tilmaamay in xubnaha ka tirsan BF ay ka aaminsan yihiin inay yihiin kuwo aan laheyn mabda Siyaasadeed oo Mooshin iyo iska dabalaabad ku raadinaayo Carqaladeynta Maamulka Jubbland.

Waxa uu tilmaamay in Beelaha qaar ay kalsoonidooda u dhiibteen Xildhibaano wakiil uga ah BF Somalia, waxa uun kuwaasi ku sheegay in awood qeybsiga ama raadinta xilalka ka banaan maamulka ay ay ku baadi goobayaan awood, taasina aysan marnaba socon doonin, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanada iyo Odayaasha awooda ku raadinaayo xilalka ayuu ku baraarujiyay inay ka faa’iideystaan tan iminka hortaal oo ay maankooda ka saaran tan lasoo dhaafay.

Suldaan lugadheere wuxuu baaq udiray dadka ka hadla Telefashinada, Website-yada iyo idaacadaha wuxuuna xusuusiyay in dhismihii Baarlamaanka Jubbaland laga soo gudbay aynan haboonayn in lagu habsaamo.

‘‘Hadii ay xuquuq maqantahay taas waa la soo dhaafay tan hortaada ah yaysan ku dhaafin,’’ ayuu yidhi Suldaan lugadheere.

Haddalka lugadheere, ayaa u muuqanaayo mid uu ku beer laxawsanaayo Mas’uuliyiinta DF Somalia, si looga soo tago qaladaadkii tagay islamarkaana looga faa’iideysto tan iminka taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com