Xog: DF Somalia oo lacag cusub dalka keeneysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in dowlada Soomaaliya qorsheyneyso in dalka ay keento lacag Shilling Soomaali ah.

Lacagtaasi waxaa daabacday dowlada Sudan waxaana ku baxay dhaqaalo badan, laakiin waxaa in la keeno dalka Soomaaliya kasoo horjeestay Bank Adduunka iyo IMF.

Cumar C/rashiid, wuxuu sheegay in dowlada Sudan ay ka dalbatay marar badan in lacagta loo daabacay dalka Soomaaliya laga soo qaado, sidaasi daraadeedna ay ku qasbanaadeen iney lacagta keenaan dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowlada ay go’aan ku gaartay in lacagtaasi laga soo qaado dalka Sudan lana keeno dalka Soomaaliya, laakiin wuxuu cadeeyay inaan la isticmaali doonin ilaa IMF iyo Bank Adduunka ay ogolaadeen adeegsigooda.

Wuxuu si cad u sheegay haddii lacagtaasi la diido adeegsigeeda in la gubi doono, sida uu hadalka u dhigay.

Dalka Soomaaliya waxaa hatan ugu weyn uguna yar dhanka 1000 Shillin Somali.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com