Sawirro: DF Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis muhiim ah (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa dalka Jabuuti waxaa Heshiis kala saxiixday Dowladaha Somalia iyo Jabuuti kaa oo la sheegay in lagu xoojinaayo xiriirka iyo iskaashiga ballaaran ee iminka ka dhexeeya laba dal.

Heshiiskan ayaa waxaa Dowlada Somalia u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Somalia H.E. Amb. Ahmed Isse Awad oo booqasho laba cisho ah ku joogay dalka Jabuuti.

Heshiiska ayaa waxaa dhanka Jabuuti u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, waxa ayna isla fahmeen inay muhiim tahay in la xoojiyo xiriirka labada dal ee gaamuray.

Wasiir Ahmed Awad iyo dhigiisa Jabuuti ayaa kala saxiixay heshiisyo seddex ah oo uu ku jiro mid ku qotoma iskaashiga ammaanka.

Waxa ay si wada jira u sheegen in Somalia iyo Jabuuti ay yihiin wadamo walaalo ah oo aan kala maarmin, sidaa aawgeed ay muhiim tahay in la helo is garab istaag iyo in Jabuuti ay ka dhabeyso xal u helida Himilooyinka Somalia ee dhanka Hormarka iyo Amniga.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia ayaa booqasho sharafeed ugu tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo sidoo kale booqdey xarunta Golaha Baarlamaanka iyo Machadka Diblomaasiyadda dalkaasi.

Waxa ay halkaa kula shireen mas’uuliyiinta dalkaasi oo ay u cadeeyeen Mowqifkooda ku aadan in Somalia ay ka kacdo halka ay iminka taagan tahay.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa aad usoo dhaweeyay Heshiiska ay wada galeen labada dal, waxa uuna cadeeyay in Jabuuti ay is garabtaagi doonto Somalia.