Sawirro: DF Soomaaliya oo shir nooc cusub ah uga qeyb-galeysa magaalada Delhi

New Delhi (Caasimada Online) – Shirweynaha sanad-laha ah ee horumarinta, ganacsiga, warshadaha, iyo iskaashiga Hindiya iyo Afrika (India Africa growth partnership) ayaa ka furmay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya.

Shirweynahan ayaa waxaa dowladda federaalka Soomaaliya ku matalayay danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir.

Shirweynaha 18-aad ee Hindiya iyo Afrika oo soconaya muddo sadax maalin ah ayaa waxaa looga hadlayaa dhinacyada kala duwan ee horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo tiknoolajiyada.

Waxaa marti-galisay shirkaan dowladda Hindiya, halka dowladaha Afrika ay ka socdeen wakiilo iyo diblomaasiyiinta ku matala Hindiya.

Shirkaan ayaa waxa inta badan diiradda lagu saaraya arrimo ay kamid yihiin iskaashiga qeybta hawada ee Orbit-ka, sahminta hababka cusub ee kobaca maalgalinta, wax ka beddelka kaabayaasha horumarinta Afrika iyo wax soo saarka suuqyada guud ee Afrika.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah abuurista iskaashiga waxbarashada, horumarinta xirfadaha iyo iskaashiga tiknoolajiyada casriga ah.

Dowladdaha Hindiya iyo Afrika ayaa inta badan yeesha kulamo kala duwan oo ay ku gorfeeyaan arrimaha gancsiga, dhaqaalaha, siyaasadda, amniga iyo guud ahaan xiriirka soo jireenka ah ee Hindiya iyo Afrika.