26.6 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Sawirro: DF oo dayacday wasiir ku xanuunsan…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ku xanuunsanaaya Wasiirkii hore ee wasaarada Caafimaadka Xukuumadii KMG aheyd ee Somalia Dr. Aadan Xaaji Ibraahim.

Wasiirka oo iminka lagu dabiibaayo Isbitaalka Recep Tayyib Erdogan Ex Digfeer, ayaa waxa ay dhakhaatiirtu sheegen in Caafimaadkiisa aan wax looga qabankarin magaalada Muqdisho islamarkaana loo baahan yahay in loo qaado dalka dibadiisa.

Aadan Xaaji Ibraahim, ayaa la shaqeeyay Xukuumadii Farmaajo, mana jirto Mas’uul ka tirsan Dowlada Somalia oo ilaa iyo hadda booqday Mas’uulkaasi ku jira Isbitaalka.

Dowladda Somaliya ayuu ugu baaqay in gar gaar caafimaad oo dibadda ah ay u qaado, waxa uu sheegay in xili hore laga gaarsiiyo, inta wakhti xun tacsi iyo ballanqaad loo sameyn lahaa.

Wasiirkii hore ee Caafimaadkii Xukuumadda KMG aheyd ayaa ka dalbaday Dowladda Federalka Somaliya in caafimaad dibada ah loo qaado, maadaama dalka uu ka soo noqday Wasiir Shaqo Qaran soo qabtay.

Dowlada Somalia ayaan wali ka jawaabin baaqa Wasiirkii hore waxa ayna taasi ayaan daro u tahay Dowlada iminka jirta oo xitaa booqan mas’uulkaasi bukaanka ah.

?

?

?

- Advertisement -

Read more

Local News