Sawirro: Obama iyo xaaskiisa oo sawirro iskala daalay gudaha masjid ku yaalla magaalada…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo Xaaskiisa ayaa si wada jir ah u booqday Masaajid ku yaal gudaha wadanka Maraykanka.

Masjidka labada mas’uul ay wada booqdeen ayaa ku dhexyaala xarunta weyn ee Islamic Society oo ku taal magaalada Baltimore, waxa ayna booqashadaani noqoneysaa tii ugu horeysat tan iyo intuu xilka qabtay.

Barack Obama iyo Xaaskiisa ayaa inta ay ku guda jireen booqashada la kulmay Mas’uuliyiinta Masaajidka waxa ayna uga warbixiyeen qaabka lagu dhisay masjidka iyo tirada dadka usoo dukashada doonta.

Sawirada laga soo qaaday Booqashada Obama ayaa waxaa laga dareemaayay degnaansho iyo tixgalin gaar ah oo uu siinaayay Muslimiinta, waxa uuna Khudbad ka hoos jeediyay Darbi lagu sharaxay magaca ”Alle”

Xaaska Obama ayaa sidoo kale xijaabatay madaxii qaawanaan jiray, waxa ayna sidoo kale hakisay mudada booqashada dhoola cadeyntii badneyd ee Xaaska Obama lagu garanaayay.

Booqashada Obama ee Masaajidka ayaa waxaa si weyn u cambaareeyey kooxaha xagjirka ah ee taageera xisbiga Mucaaridka ah ee Jamhuuriga (The Republican Party).
1

2

4

"</p

6

8