Arag sawir ciil iyo murugo ku badi doona oo laga sameeyay madaxweyne Shariif Xasan Sh. Aadan

Muqdisho (Caasimada Online)-Farshaxaniistaha caanka ah Amin Arts ayaa soo bandhigay Sawir gacmeed uu ku muujinaayo aqoon darida Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Sawir Gacmeedkaani ayaa cadeynaaya in Deegaanada maamulka dhiiga iyo qoriga uu ka qiimo badan yahay qoriga, halka dhiiga la daadiyo uusan ka laheyn micno gaar ah.

Sidoo kale, waxaa lagu muujiyay sawirka in madaxweyne Shariif Xassan uu qaab khaldan u aqristo dastuurka si uu qaab gadisan ugu maamulo dadka ku hoos nool maamulkiisa gaar ahaan kuwa degmada Afgooye oo uu khuseeyo sawirka.
AFG1 copy