Michael Keating oo gaaray Kismaayo iyo digniin culus oo loo kala diray maamul goboleedyada..!!

Muqdisho (Caasimada Online)-Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael keating ayaa goordhow u duulay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Socdaalka Michael keating ayaa la xiriira xal u helida Khilaaf hoosaadka wali ka taagan 4.5.

Michael keating waxa uu sheegay in magaalada Kismaayo uu ku qaabili doono madaxda maamulka waxa uuna sheegay in ujeedka uu yahay in Jubbaland uu ku qanciyo natiijada kasoo baxday shirka wadatashiga.

Jeffrey Feltman oo ah ku-xigeenka dhinaca siyaasadda xoghayaha guud ee QM, ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in QM iyo Beesha calaamka inteeda kale ay aragti xun ka qadanayso cidii ka hor timaadda go’anadii ka soo baxay Shirka Madasha wadatashiga qaran ee 27ka bishii January lagu soo gabagabeyay Magalada Muqdisho.

Jeffrey Feltman oo ka hadlaayay arrinta natiijada ayaa yiri “waan ognahay in dhammaan madaxda Somalia ee kawada qeyb galay shirk madasha wadatashiga qaran ayan helin qof walba waxa uu doonayay, balse waxaa kaloo ognahay in aysan jirin cid ku qasaartay wixii ka soo baxay go’aanki wadatashigaasi”.

Waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa “waxa jiray wadatashi aad u ballaran, mid heer gobol ah ,mid heer qaran ah, iyo mid heer madax ah inta aan go’aankasi laga gaarina waxaa lagu sii shaqeynayaa rabitaanka Dowlada iyo Beesha Caalamka”

Haddalka Jeffrey Feltman iyo socdaalka Michael keating , ayaa noqonaaya mid dareen gaar ah galinaaya madaxda Dowlada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com