Sawirro: Qorshaha qaranka ee 3 sano soo socota oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Barnaamijka Qorshaha Horumarinta Qaranka ee loo yaqaan ”National Development Plan”.

Barnaamijkaani uu Madaxweynaha daahfuray ayaa noqon doona kii ugu horeeyay oo ay yeelan doonto Somalia Sodon sanno kadib.

Madaxweynaha oo munaasabada daahfurka ka jeediyay kalimado aad u kooban ayaa yiri “Waa maalin taariikhi ah inaan maanta daahfurno barnaamijkan muhiimka ah. Tani waxay muujineysaa in dowladnimadeena ay xoogsaneyso. wadana ma shaqeyn karo haddii uusan lahayn qorshe cad oo qeexaya hawlaha uu qabanayo”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in si barnaamijkan uu dhaqangal u noqdo loo baahan yahay in la helo hannaan lagu qiimeeyo qorshaha ku xusan, isla markaana lala yimaado isla xisaabtan iyo isa sixid.

Wasiirka wasaarada qorsheynta ee xukuumada Somalia C/raxmaan Sheakh Cali Ceynte oo isna goobta ka hadlay ayaa yiri ”Sababta ugu weyn ee aan aan u sameynay Barnaamijkaani waaxaa kamid ah in aan yareyno saboolnimada, horumarin aan ku sameyno dhaqaalaha dalka iyo arrimo kale oo shacabkeenu ay u baahan yihiin”

Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid oo kahadlay kulanka waxa uu sheegay in howl muhiim ah ay qabteen masuuliyiinta wasaarada Qorsheynta ee xukuumada Somalia, isagoo dhinaca kalena u jeediyey talooyin muhiim ah oo mudan in lagu kordhiyo Qorshaha qaran ee sadexda sano ee soo socota.

Qorshaha Horumarinta Qaranka oo socon doona muddo saddexda sanno ah, ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta, Waxaana arrimaha ugu waaweyn ee uu diirada saarayo ka mid ah dhimista fakhriga, dib u habeynta Kaabeyaasha Dhaqaalaha, Tayeynta Hay’adaha Dwliga, Hirg-elinta Nidaam siyaasadeed loo dhan yahay xoojinta sharciga, garsoorka iyo amniga.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
DF1

DF2

DF3

DF4

DF5

DF6

DF7

DF8