Xog: Hal astaan oo muujineysa dib u soo doorashada Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaadaya tallaabo kasta oo xaqiijineysa in mar kale dib loogu soo doorto hoggaanka dalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo hore u keedsaday lacag badan oo hanti qaran ah, si uu ugu bixiyo ololihisia dib u doorashada, ayaa hadda hantiyey nidaamka soo xulista xildhibaanada cusub ee baarlamanka 2016.

Xasan ayaa magacaabay 135 oday dhaqameed oo badankood isaga ku xiran, mushaharna ka qaata, taasi oo xaqiijin doonto in ay soo magacaabaan xildhibaano Damu-jadiid ah oo ku xiran madaxweynaha.

“Waa qorshe muddo uu ka shaqeynayey, iminkana uu xaqiijiyey” ayuu yiri aqoonyahan Cusmaan Axmed Jimcaale, oo Muqdisho ku sugan, kuna tilmaamay arrintan mid u baahan in la joojiyo.

Waxaa la qiyaasayaa in Xasan Sheekh uu baarlamanka cusub ku yeelan doono in ku dhow 150 xildhibaan oo Damu-jadiid ah, taasi oo doorashada madaxtinimada ee 2016 ka dhigeysa mid aan caddaalad noqon karin.

Waxaa intaas sii dheer malaayiinta dollar ee Xasan Sheekh uu keydsaday si uu codadka xildhibaano kale ugu gato.

Arrimahan oo idil ayaa astaan murugo leh u ah in Xasan Sheekh uu hadda yahay ninka ugu cad-cad doorashada madaxweynaha ee dhici doonta bisha September, haddii arrintan aan deg deg loo beddelin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com