Sawirro: Diyaaraddii ugu horeysay ee rakaab oo caawa kasoo degtay garoonka Muqdisho

Muqdisho- Caasimada Online:- 27 sano kadib ayey caawa suuragashay in diyaarad rakaab ah markii u horeysay kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Tallaabadaan ayaa ka danbeysay kadib markii DF ay shaacisay in garoonka diyaaradaha uu shaqeynayo xiliga habeenkii.

Diyaaradda Jubba Airways oo siday shacab u badnaa xujey oo gaarayay in ka badan bosol ayaa fiidkii si raaxo leh ugu soo dejisay diyaaradda.

Mas’uuliyiinta Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya uu garoonku yahay mid shaqeynayo, diyaaradaha rakaabkana ay si caadi ah uga soo degi karaan habeenkii.