Sawirro: Diyaarado qaad sida oo mashquuliyay Garoonka diyaaradaha Buuhoodle

Buuhoodle (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Buuhoodle siyaabo kala duwan uga dagay diyaarado sida qaad kuwaa oo kasoo shareecda dalka Kenya.

Diyaaradaha qaadka ka dajiya magaalada Buuhoodle oo dhowr ah, ayaa waxaa loo sababeeyay hakatka ku imaaday qaadkii uga imaan jiray dalka Ethiopia.

Diyaaradaha qaadka sida ee ka degay magaalada Buuhoodle ayaa waxaa qeyb kamid ah loo daabulaa deegaanada is maamulka Soomaalida Ethiopia oo aan gaarin qaadkii kaga imaan jiray dhulka Oromada.

Maamulka Khaatuma ayaa sheegay in qaadkaasi la geyn doono Magaalooyinka dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia oo aanu gaarin qaad fiican.

Khilaafka u dhaxeeya maamulada degaanada Oromada iyo Soomaalida ayaa xoogeystay, waxaana joogsaday qaadkii ka imaan jiray dhulka Ethiopia.