Kismaayo (Caasimada Online)-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya, ayaa waxaa lagu wareejiyay Gaadiid casri ah oo la sheegay inay ka shaqeyn doonaan Xaduudaha Dalka.
Gaadiidkaani oo dhowr xabo ah ayaa waxaa lagu wareejiyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya, G/Sare Maxamed Adam Jimcaale Koofi.
Gaadiidkaani ayaa waxaa DFS ugu deeqday Hay’adda IOM, oo inta badan deeqo kala duwan ku wareejisa Dowlada Somalia oo dib usoo celineysa Horumarka dalka.
Agaasimaha ayaa gawaarida kula wareegay munaasabad maanta lagu qabtay magaalladda Kismaayo, ee xaruunta maamulka Jubaland.
Gawaridaan ayaa ah kuwo Casri ah oo intooda badan hada laga isticmaalo dalalka Horumaray, waxaana ay gawaaridan sheegayaan in la ogaado haddii dad aan soo marin xarumaha laga ilaaliyo Xaduuda ay isku dayaan in ay ka gudban Xaduudaha.
Waxa ay sidoo kale sahlayaan in si dhaqsi ah loo ogaado dadka sharcidarada ku gudbaaya Xaduuda iyo tirada ay yihiin isla markaana xaawaaraha gawaaridaan si dhaqso ah loogu tagi karo.
Gawaaridani ayaa waxaa ku rakiban qalab casri ah oo sheegaya dhiiga qofka.


