Sawirro: Khasaaro ba’an oo ka dhashay Qaraxyo ruxay dalka Russia

Moscow (Caasimada Online)-Qaraxyo aad u xoogan ayaa ka dhacay magaalladda St Petersburg ee dalka Russia, kadib markii Qaraxa lala eegtay Boosteejo laga raaco Tareenadda dhulka hoostooda mara.

Qaraxyada ayaa waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 10 qof oo u badnaa dad shacab ah, waxaana ku jiray Arday dhigta Jaamacaddo.

Saxaafada Russia ayaa sheegtay in Qaraxyada lagu qarxiyey Tareen taagnaa Bosteejdda the Sennaya Ploshchad station ee magaalladda St Petersburg oo ah magaaladda labaad ee ugu weyn ee dalkaasi.

Ciidamada Amaanka iyo Hay’adda Tareenadda, ayaa xiray dhammaan xarumaha tareenada ee magaalada labaad ee ugu weyn Ruushka ayaa la xiray.

Vladimir Putin Madaxweynaha Russia ayaa maanta tagay St. Petersburg si uu uga hadlo madal sanadeed ay leeyihiin warbaahinta, oo ay soo agaasimeen dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo Kremlin-ka uu taageero.