Sawirro: Muxuu salka ku hayey kulankuu Hargeysa ku dhexmaray Siilaanyo iyo Keating?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating.

Axmed Siilaanyo iyo Michael Keating ayaa kawada hadlay Doorashada maamulka, Amniga, Siyaasada iyo Abaaraha ka jira qeybo kamid ah Gobolada Somaliland.

Axmed Siilaanyo, ayaa Michael Keating u sheegay in Doorashada Somaliland ay ku dhici doonto wakhtiga loo asteeyay waxa uuna sidoo kale sheegay inaanu jiri doonin sabab ay mar kale ku dib dhacdo Doorashada.

Siilaanyo waxa uu sidoo kale Michael Keating u xaqiijiyay in Somaliland ay ku talaabsatay dimuquraadiyad iyo Amni deeqa dhammaan Shacabka Somaliland waxa uuna meesha ka saaray in maamulka Somaliland uu ka gaabin doono howlaha lagu ilaalinaayo deegaanka.

Michael Keating, ayaa sidoo kale, Siilaanyo uga mahadceliyay dadaalka lagu qabanaayo Doorashada waxa uuna ku dhiirigaliyay inaanu dhicin dib u dhacyo kale.

Michael Keating, waxa uu sheegay in Somaliland ay la garab istaagi doonaan wax waliba oo karaankooda ah, si buu yiri meesha looga saaro hoos u dhac ku yimaada qorshaha maamulka sida Siyaasada iyo Amniga.

Keting iyo Siilaanyo waxa ay sidoo kale kulan khaas ah uga wada hadleen arrimaha ku xeeran Heshiiska Saldhiga Milliteriga ee Imaaraadka uu ka furan doono magaalada Berbera, waxa uuna Keting su’aal ka keenay Heshiiskaasi xili ay Somaliland wali ka tirsan tahay Somalia.