Sawirro: Dowladda oo soo bandhigtay jabkii Shabaab ku gaaray Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay sawiro muujinaya jabkii ay gaarsiiyeen dagaalyahanadii Al-Shabaab ee xalay hoobiyayaasha ku weeraray magaalada Dhuusamareeb.

Waxey aheyd markii labaad oo ay dagaalyahanada Al-Shabaab qalqal galiyaan ammaanka magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu ka socdo shirka u dhaxeeya dowladda dhexe, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir.

Saraakiisha ciidanka ayaa dowladda ayaa weerar ku qaaday dagaalyahanada oo duleedka magaalada kasoo tuurayay hoobiyayaal, sida la sheegay 8 dagaalyahan ayaa lagu dilay goobta, halka midna laga dhaawacay.

Taliyaha Ururka 15-aad ee Kumaandooska GorGor Maxamed dhakawayne oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney gacanta ku hayaan hub fudud iyo mid culus intaba, sidoo kalana ay ka carareen dagaalyahanada gaari nuuca dagaalka ah.

Sidoo kale taliyaha wuxuu sheegay iney hawlgal ka bilaabi doonaan deegaanada duleedka ka ah magaalada Dhuusamareeb, isla markaana ay ka hortagi doonaan weerarada ay soo qaadayaan Al-Shabaab.

DAAWO SAWIRADA: