Wararkii ugu dambeeyay shirka Dhuusamareeb iyo Axmed Madoobe oo lagu…

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirka ka soconaya Dhuusamareeb ayaa dib u bilowday, iyadoo madaxweynaha Jubbaland lagu qanciyay inuu yimaado maadaama uusan kasoo qeybgalin kulamadii xalayto.

Axmed Madoobe ayaa ka baaqday kulamadii xalay kadib markii la isku fahmi waayay sida la sheegay arrinta gobolka Gedo, balse waxaa lagu guuleystay in lagu qanciyo inuu dib ugu soo laabto shirka.

Shirka wuu socdaa, walina wax is afgarad ah oo laga gaaray arrimaha cakiran ma jiraan, iyadoo kaliya la sheegayo in cadaadis ka imaanaya beesha caalamka uu jiro, kaas oo masuul walba ku riixeysa inuu joogo Dhuusamareeb.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu wali ku adkeysanayaa in loo soo gacan galiyo gobolka Gedo, isla markaana maamulkiisa uu maamulo doorashada ka dhaceysa deegaankiisa si la mid ah maamullada kale, waxaana arrinta ugu weyn ay tahay Garbahaarey.

Beesha caalamka waxey hogaamiyayaasha u sheegeen ineysan ka tagin Dhuusamareeb inta laga gaarayo xal lagu wada qanacsan yahay oo horay usii wadi kara doorashooyinka, sidoo kalana lagu qaban karo doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Shirka ayaa galay maalintii afaraad, waxaana la rajeynayaa in shirka uu kasoo baxo wax dan u ah umadda Soomaaliyeed, maadaama masiirka umadda looga arinsanayo caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.