Shirka Dhuusamareeb ka socda oo ay u badan tahay in lagu kala adkaan doono

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa u muuqda in ay guulo waa weyn ka soo hoyeen shirka ka socda Dhuusamareeb sida ay sheegayaan natiijooyinka hordhaca ah. 

Axmed Madoobe iyo Deni ayaa diidanaa sida loo soo magacaabay guddiga doorashada Goballada Waqooyi, arrinta gobalka ee ciidanka dowladda ka jooga halkaas iyo saameynta ay ku leedahay, iyo xubnaha guddiyada qaar oo shaqaale dowladeed ah, iyo kuraasta la siiyey gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

Sida hadda muuqata, waxaana hadda heshiis laga gaaray qaar ka mid ah qodobaas, waxaana xalka noqday sida ay wax u doonayeen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dooday in arrinta gobalka aysan ku jirin qodobadii lagu heshiiyay sanadkii hore halka Deni iyo Axmed Madoobe ku doodeen in heshiiskii hore ay qeyb ka aheyd in Garbahaareey doorasho lagu qabto sidaas darteedna ay doodoodu tahay helida magaaladaas iyo gobalka oo dhan, taas oo u muuqato in ay u dhacday sidii ay rabeen. 

Sidoo kale arinta gobalada Waqooyi ayaa la sheegay in ay wax ka badaleen, ayada oo la isku raacay in Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ay heshiis ka gaaraan, taas oo siineysa libinta daqiiqadaha uu shirka socdo inkastoo wax kasta is badali karaan. 

Sidoo kale arrinta gobolka Banaadir, ayaanba shirka lagu soo qaadin, waxaana sida muuqata heshiiis la gaari doonaa ayada oo aan gobolka Banaadir lagu soo darin. Arrinta ayaa waxaa saacidaya beesha caalamka oo dalbatay in heshiiska lagu saleeyo kii 17-kii September, oo aanu gobolka Banaadir ku jirin. Arrintan ayaa guul kale u ah Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa laba jeer shirka baxay iyadoo markii dambe dib loogu soo celiyay. Sidoo kale waxaa jiro doodo badan oo wali socda kuwaas oo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonaan.

Waxaa sidoo kale la ogeyn in kadib heshiis kasta ay wax u hirgeli doonaan sida loogu heshiiyey, ayada oo dowladda federaalka ay dhowr mar ka baxday heshiisyadii hore.