Safiirka Qatar oo taagero ka raadinaya beelaha Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Qatar u jooga Muqdisho Hassan Bin Hamza Asad Mohamed ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeysay magaalada Muqdisho ka waday kulamo gaar ah oo uu la yeelanayay qaar ka mid ah siyaasiyiinta beelaha Muqdisho.

Xogta kulamada safiirka oo ay Caasimada Online heshay ayaa sheegeysa in uu ka codsanayay in la taageero dadaalka ay dowladdiisu ku bixineyso dib-u-doorashda madaxweyne Farmaajo.

Ilaa lix wasiir oo ka mid ah xukuumadda Rooble, madaxda maamullada, saraakiil ciidan iyo dad saameyn leh oo uu la kulmay ayuu safiirka u gudbiyay farriin isku mid ah oo ahayd in “Qatar ay dhaqaale ahaan u taageereyso olelaha Farmaajo, balse uu doonayo inuu abaabul ahaan uu ku tiirsanaado beesha Muqdisho.”

Danjire Hamza oo aan looga baran kulamada nuucaan ah ayaa dadkii uu la kulmay waxaa kamid ahaa wasiirka amniga gudaha Xasan Xundubeey Jimcaale oo uu kala hadlay sida looga adkaan karo musharrixiinta ay isku heybta yihiin ee sida adag u mucaaradsan maamulka Farmaajo.

Caasimada Online ayaa ogaatay in waxaabaha uu wasiirka la soo qaaday safiirka ay qeyb ka ahayeen “awood ciidan” oo ay suurtagal tahay in loo baahdo haddii natiijada doorashada muran ka yimaado si loo xaqiijiyo amniga safaaradda Qatar xilligan uu walwalka amniga kor u sii kacayo.

Laba kulan oo kale oo uu safiirku la galay saraakiil hore oo ciidan iyo mas’uuliyiin hore balse la xulafo ah maamulka hadda jira ayuu isla arrinkan weydiistay isaga oo ballan qaaday in dowladdiisu diyaar u tahay taageere dhaqaale oo arrinkan lagu bedelanayo.

Danjire Hamza oo kaashanaya safiirka Turkiga ayaa kulan ay horraantii bishii Janaayo la galeen Ra’siiul Wasaaraha u sheegay in ay saaxiibo ku dhex leeyihiin beesha caalamka, isla markaana ku qancin doonaan in madaxweynaha looga dambeeyo arrimaha doorashada. Hase yeeshee arrinkaas ayaa suurtagali waayay kadib markii safiirada Mareykanka, UK iyo kan QM ay kasoo horjeesteen, soona saareen qoraallo u muuqda in lagu amrayo madaxda dowladda, beesha caalamkana isugu muujineyso inay leedahay go’aanka kama dambeysta ah.