Xasan KHEYRE oo ka digay arrin DALKA ka dhici karta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka digay qalalaase dastuuri ah iyo mid siyaasadeed hadii la gaaro 8-da February iyadoo aan laga heshiin siyaasadii looga samatabixi lahaa xaaladda kala guurka.

Kheyre ayaa shaashadaha kasoo muuqday mar kale, wuxuuna ka qeyb galay madal ay soo qaban qaabiyeen machadka Chatham House oo uu kaga qeyb galay habka fogaan aragga, waxaana looga hadlayay arrimaha ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya.

Kheyre oo noqday ra’iisul wasaarahii ugu wakhtiga dheeraa kadib burburka ayaa sheegay iney waajib tahay in la gaaro xal deg-deg ah si looga samatabaxo qalalaase siyaasadeed iyo mid dastuur oo uu dalka galo.

“Muddo xileedka baarlamaanka Federaalka oo laf-dhabar u ah dimuqraadiyadeena wuxuu dhamaadey 27-kii December, 2020. Muddo yar kadib dalkeena wuxuu wajihi doonaa qalalaase dastuuri marka madaxweynaha uu muddo xileedkiisa ka dhamaado 8-da Febraayo. Innagoo tixgelineyna in hay’adda fulinta iyo sharci-dejinta ay waayi doonan sharciyadda ay wax ku maamulaan, xalka kaliya ee looga gudbi karo jahwareerkan nagu soo fool leh waa in la gaaro heshiis siyaasadeed oo deg-deg ah” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Xasan Cali Kheyre waa mid ka mid ah musharaxiinta miisaanka culus ee kasoo horjeeda xukuumadda uu wakhtigeeda sii dhamaanayo, inkastoo uu kooxda talada heysa lasoo shaqeeyay muddo badan hadana hadda wuxuu ku jiraa midowga musharaxiinta.

Dhanka kale midowga Musharaxiinta oo war-saxaafadeed shalay soo saaray waxey sheegeen ineysan aqbali doonin iney dalka maamulaan shaqsiyaad iyo hay’ado uu wakhtigooda dhamaaday.