Shabaabkii xalay weerarka ku qaaday Dhuusamareeb oo la wada dilay (Warbixin)

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay mar kale weerar hoobiyeyaal ah ku qaaday magaalada Dhuusamareeb oo shirka wadatashiga ah ee madaxda dowlada federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu ka socdo.

10-Dagaalame oo watay gaari nooca ay Soomaalidu u taqaano Qooqan ayaa soo istaagay meel qiyaastii 1-KM u jirta magaalada, waxayna ku bilaabeen hoobiye.

Illaa laba hoobiye markii ay rideen ayaa waxaa jiha kasta uga bilaabatay rasaas, waxaana halkaas lagu dilay 8 ka mid ah, halka labadii soo hartay midna nolosha lagu qabtay, midna dhaawac, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiishii hoggaamineysay askartii fulisay howlgalka.

Howlgalkan ayaa waxaa fuliyey ciidamada Gor-Gor ee dhawaan la geeyey Galmudug, kuwaas oo horay loogu sii diyaariyey meel u dhaw goobta ay hoobiyaha ku rakibteen xubnaha la laayey ee ka tirsanaa Al-Shabaab.

Laba habeen ka hor ayey Al-Shabaab goobta xalay lagu laayey dagaalamayaashooda ka soo tureen ku dhawaad 10 hoobiye oo ku kala dhacay xaafadaha magaalada, balse weerar jid gal ah ayaa habeenkaas looga dilay hoggaamiyahoodii, halka dagaalame kale nolosha lagu qabtay isagoo dhaawac ah.

Saraakiisha aan la hadalnay waxay noo sheegeen inay xubnaha xalay la dilay ay ka furteen gaarigii ay wateen, ku dhawaad 10 qori oo AK-47 ah, laba hoobiye iyo rasaas badan.

Sidoo kale saraakiishu waxay noo sheegeen in halkaas lagu soo afjaray kooxdii soo weerartay magaalada, isla markaana uusan jirin hal xabo oo nolol uga baxsaday, iyagoo balan qaaday inay warbaahinta u soo bandhigi doonaan.