Sawirro: Duuliyihii waday diyaaraddii Turkiga uu soo riday ee Russia oo sir badan soo bandhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Duuliyihii waday diyaarada ay soo riday Turkiga oo lagu magacaabo Captain Konstantin Murakhtin ayaa markii ugu horeysay ka hadlay soo riditaanka diyaaradii uu la socday.

Captain Konstantin Murakhtin waxa uu sheegay inuusan arag wax digniin ah, kadib markii militeriga Turkiga sheegen inay siiyen ku dhawaad 10 digniin oo is xigxigay.

Duuliyaha ayaa sheegay in xiliga gantaalka lagu soo duqeeynayey Diyaaradda uu isagu hagayey Diyaaradda oo ku duulaysay jog qiyaastii dhan 6,000 meter altitude.

Waxa uu sheegay inay wax kasta u cadaayen oo ay cadceed jirtay, islamarkaana uu si fiican u arkayey Khariidada, halka uu ku duulayey iyo halka uu yahay xuduudka.

Captain Konstantin Murakhtin waxa uu sheegay in saaxiibkii la socday oo lagu magacaabo Colonel Oleg Peshkov uu shilkaasi ku dhintay isaga oo sababsaday Kooxo falaago ah oo uu gacanta u galay.

Captain Murakhtin waxaa soo badbaadiyey 18 ka tirsan Ciiddanka Khaaska ee Dowladda Syria iyo 6 dagaalyahan oo ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Xisbullaahi ee taageeradda siiya Milliteriga Syria.
1

2

3