Sawirro: Farmaajo iyo Boqolaal dadweyne oo socod ku maray qaar kamid ah waddooyinka Garoowe

Garoowe (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdiga uu hoggaaminaayo ayaa  gaaray Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa goortii uu ka degay Garoonka waxaa halkaa kusoo dhaweeyay Madax iyo shacab aad u farabadan, waxaana markii danbe loo gudbiyay gacan qaadka shacabka.

Dadka Shacabka ah ee uu gacanqaaday Farmaajo ayaa waxaa laga dareemayaa farxad saa’id ah ayagoo si weyn iskuugu soo baxay Wadooyinka Magaalada Garoowe si ay usoo dhaweeyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Farmaajo ayaa socod ku maray qaar kamid ah Waddooyinka waaweyn ee magaalada Garoowe, waxa uuna dhex socday boqolaal shacab ah oo soo dhaweynaayay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa socdaalkan oo qaadan doona dhawr maalmood waxa uu ku mari doonaa qeybo kamid ah deegaannada Puntland si uu ugu kuur galo nolasha iyo baahiyaha dadka ku dhaqan gobolladaas.