Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Dagaalka oo muddo socday ayaa waxaa uu si gaara uga dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Howlwadaag iyo Saldhiga Booliiska degmada Howlwadaag oo aanan sidaa u kala fogeyn.

Dagaalka oo u dhexeeyay ciidamo ka kala tirsan NISA iyo Booliska ayaa waxa uu khasaaraha ugu badan kasoo gaaray dad shacab ah oo halkaa ku sugnaa.

Ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo goobta gaaray ayaa ku guuleystay in ay kala dhexgalaan Ciidamadan, sidoo kalena ay joojiyaan dagaalka, si khasaaraha ka dhashay aanay u sii kordhin.

Hal Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Booliiska ayaa ku geeriyooday falkan, halka uu ku dhaawacmay Askari kale oo ka tirsan Ciidamada Nabad Sugidda.

Sidoo kale, Maydka Askariga ka tirsanaa Ciidamada Booliska iyo Askariga kale ee dhaawacmay ayaa laga qaaday goobtii uu ka dhacay dagaalka.

Dhinaca kale, dagaalka labada ciidan ayaa kusoo beegmaaya xili ay labada Hay’adood aysan laheyn Taliyayaal ku magacaaban Hay’adaha ay hoostagaan ee Booliska iyo Nabadsugida.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com