Maxkamada sare ee dalka oo maanta furtay dacwad ku saabsan Laba kursi oo ka banaan Golaha shacabka.

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamada sare dalka ayaa maanta u fadhiisatay dhageysiga dacwad laxariirta laba kursi oo banaan kana mid ah barlamaanka somaaliya, labada kursi ayaa mid Waxaa ka dhintay allaha unaxariistee wasiirkii howlaha guud Cabaas Siraaji halka midkalana uu baneeyay taliyihii hore ee nabad sugida iyo sirdoonka qaranka C.llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Dastuurka dalka ayaa qaba in hadii uu banaanaado kursi ka mid ah kuraas golaha shacabka in kursigaas aan loo tartamin karin isla markaana si toos ah loogu magacaabo shaqsigii markii hore laga guuleystay sida hadalka u dhigay Wasiiro dowlihii hore ee warfaafinta maxamuud cabdi xasan beekoos.

laakiin hadal dhawaan ka soo uyeeray gudoomiyaha gudiga doorashooyinka madaxa banaan dalka xakiimo Cismaaciil “xaliimo yarey” ayaa tilmaantay in hadii ku raas baanaanaato tar-tar loo gali doono hadalkaas ayaa Waxaa ka carooday qaar ka mid ah mas`uuliyiitii laga guuleystay kuraasta hada banaan, kuwaas oo dacwad u gud biyay maxkamda sare ee dalka.

Maxkamada sare ee dalka ayaa laga warsugaa go`aanka ay ka qaadan doonto arintaan ayadoo dhinaca kale gudiga doorashooyinka madaxa banaan ee qaranka ay wadaan doorashooyin ku aadan labadaan kursi ee lagu muransan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com