Dowlada Somaliya oo magdhaw lasiin doono hadii ay ku guuleysto muranka Badda ee kala dhaxeeya Kenya.

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda kenya ayaa lagu qasbi doonaa in Soomaaliya magdhaw ka siiso  saliid baarista ay ka sameeysay badda muranku uu ka taaganyahay, hadii dowladda kenya ay ku guul dareeysato  dacwadda badda ee taala Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda.

Xeer ilaaliyaha guud ee kenya Githu Muigai ayaa dhameeystiray Jawaabtii ay Maxkmaaddu ka sugaysay bishii lasoo dhaafay hase ahaatee warbaahinta kenya ayaa Warinaysa in Saraakiisha dacwadda qaabilsan ee kenya ay wali ka aamusanyihiin nuuca ay tahay Jawaabta isdifaaca ah ee ay maxkamadda geeyeen.

“Nasiib darro macquulna ma ahan in la shaaciyo Dukumintiyadda uxareeysan ICJ,  waxa jira dukumiintiyo ay tahay in la ilaaliyo, maxkamadda cadaaladda Caalamiga ah kaliya ayaa bixinkarta dukumiintiyadaasi, waxaana lasameeyndoonaa sidii ay sameeyeen somaaliya” Sargaal ka tirsan xafiiska xeer ilaalinta kenya ayaa sidaas qoraal ugu sheegay wargeeyska Standard.

Xeer ilaaliyaha guud ee kenya ayaa Maxkamadda dhexdeeda dood badan horay ugu soo bandhigay laakiin doodiisa ku guul dareeysatay, wargeeysaka Satandard ayaa shegay in xeerlaaliyuhu uusan kasoo jawaabin baaritaan ay sameeynayeen.

Dowladda kenaya ayaa ku doodeeysa in ay xaq uleedahay dhamaan dhaq-dhaqaaqyadda ay ka midka yihiin gaaf wareega maraakiibta dagaalka, kaluumeeysiga, cilimi baarista iyo shidaal baarista in ay ka sameeyso badda hadda lagu muransanyahay oo labadda dhinacba ay Xuduud u qoonsanaayeen tan iyo 1979 kii, sida lagu sheegay war uu horay usoo saaray xafiiska xeer ilaalinta kenya.

Kenya waxay sidoo kale dooneeysaa in iyadoo laga ambaqaadayo is afgaradkii ay soomaaliya iyo kenya gaaren 2009 kii muranka badda lagu dhameeyo wada hadal dhexmara Soomaaliya iyo kenya.

Todobo goobood oo shidaal laga baaray kuna yalla Badda lagu muramnsayahay ayaa lajoojiyay.

Soomaaliya ayaa aaminsan in doowladda kenya ay tobonaan mile kusoo durugtay meeshii ay ahayd Soodinta badda ee ay lawadagto Kenya.

Horaanta Sanadkaan ayaa lafilayaa in maxkmadda caalamiga ah ee cadaaladda ay shaaciso waqtiga ay u fariisaneeyso dacwadda laxariirta muranka badda ee Soomaaliya iyo kenya .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com