Dowladda Soomaaliya oo adeegga Xajka & Cumrada ka wareejineyso Xildhibaan ay dowlado badan ka wareejin waayeen

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qaadaneysa shirkado cusub oo ka shaqeeya arrimaha xajka iyo cumrada oo sanado badan u xirnaa shirkadda Jubba Airways oo uu leeyahay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa soo saartay qoraal ay ku sheegtay inay tallaabadan u qaaday kadib markii ay daraasad ku sameysay adeegga xajka iyo cumrada sanadkii 2017 oo isku darsaday qiime sare iyo adeeg xumo, waxayna soo saartay in sanadka 2018 ay u furan tahay shirkadaha oo dhan inay adeegan u tartamaan.

Xildhibaan Siciid Nuur Giriish oo ah ninka adeeggan u xiran yahay ayaa xiriir dhow la leh Amiirada Sacuudiga ee xajka qaabilsan, waxaana dowladihii hore ee Soomaaliya soo maray ay ku fashilmeen inay ka wreejiyaan ama xitaa shirkad cusub oo aan ahayn Jubba lagu soo daro.

Dad badan ayaan wax rajo ah ka qabin in isbedel ku dhaco arrintan iyadoo xildhibaanka ganacsadaha ah uu xiriir toos ah la leeyahay madaxda dowladda Federaalka, isla markaana amarka wasaaradda aan wasiirka lahayn noqon doono mid si fudud looga gudbo.