Wasiirada cusub ee dhowaan uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la dhaariyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Munaasabad kooban oo  ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu dhaariyey wasiirada cusub ee wasaaradaha Arrimaha dibadda, Ganacsiga iyo Gudaha.

Axmed Ciise Cawad, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ku dhaartay in ay si sax ah u gudan doonaan waajibka saaran, iyaga oo gacantooda midig saaray Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa 4-tii bishan magacaabay wasiiradan kadib markii uu shaqada ka eryey wasiiradii iyaga ka horreeyay.

Intaas kaddib ayaa Wasiirada la dhaariyay waxay kulan la qaateen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, isagoo ku wargeliyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay xilka ula wareegaan, si ay u gutaan howlahooda.

Saddexda Wasiir ee cusub ayaa la magacaabay maalintii khamiistii ee taariikhda aheyd 4-ta bisha Janaayo 2018, waxaana la magacaabay iyagoo labo ka mid ah ay dalka ka maqnaayeen sida Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibadda oo Muqdisho soo gaaray jimcihii iyo saaka oo Axad ah.