Sawirro: Farmaajo oo gaaray Abu Dhabi iyo waqtiga uu dhacayo wada hadalka oo la ogaaday

Abu Dhabi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray dalka Imaaraadka Carabta, wuxuuna hor kacayey wafdi heer caalami ah si ay halkaas wada hadal ugala soo yeeshaan Madaxda ugu sareyso dalkaas.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Abu Dhabi kusoo dhaweeyey Wasiirka Cadaaladda Imaaraadka Carabta Suldaan Bin Saciid Al-Badi.

Madaxweynaha ayaa waxaa la geeyey halkii loogu talagalay isaga iyo martida la socotay oo isugu jiray Wasiiro iyo xubno kale.

Sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka socdo Madaxweynaha, Kulanka wada hadalka labada dowladood ayaa la filayaa inuu dhaco Maalinta Berri ah.

Kulankaas ayaa la rajeenayaa in lagu soo dhameeyo mugdigii ku kala dhex jiray labada dowladood.

Wixii warar ah ee kusoo kordha daqiiqad kasta waxaad kala socon doontaan Caasimadda Online Inshaa Allah.