Zanu-PF oo eryey Robert Mugabe iyo wararkii ugu dambeeyey Zimbabwe

Harare (Caasimada Online) – Xisbiga maamula dalka Zimbabwe ee Zanu-PF ayaa Mugabe ka qaaday xilka hoggaaminta xisbiga. Waxaa loo magacaabay in xisbiga uu hoggaamiye ka noqdo madaxweyne ku xigeenkii hore, Emmerson Mnangagwa – kaas oo laba isbuuc ka hor uu Mugabe ka ceyriyay xilka.

Shaqa ka tiriddii Mr Mnangagwa ayaa sababtay qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaasi ka jira, taas oo dhalisay in militariga uu maamulka dalka la wareego si ay 93-sano jirka Zimbabwe hoggaaminayay 37-sano, uga hor istaagaan in xaaskiisa Grace ka dhigo madaxweynaha dalka.

Tobannaan kun oo qof ayaa shalay oo Sabti ahayd ka qeybgalay dibadbaxyo ka dhan ahaa qoyska Mugabe.

Mr Mugabe ayaa maanta oo Axad ah la filayaa in uu la kumo hoggaamiyayaasha militariga, waxaana la arkayay gawaari ka soo baxaysa gurigiisa gaarka ah ee Harare.

Dagaalyahankii hore ee galaangalka badan ku leh dalka, Chris Mutsvangwa, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in xisbi ahaan ay isu diyaarinayaan sidii ay Mugabe uga qaadi lahaayeen xilka madaxweynaha dalka.

Sidoo kale Reuters ayaa baahisay in Grace Mugabe lagala noqday dhammaan shaqooyiinkii ay ka haysay xisbiga Zanu-PF.

Dhacdooyiinkii ugu dambeeyay:

  • Laba isbuuc ka hor, Mr Mugabe wuxuu shaqada ka ceyriyay ku xigeenkiisii Mr Mnangagwa, ninkaas oo ka dib dalka ka cararay.
  • Taliyaha Ciidamada, Janaraal Gen Constantino Chiwenga, ayaa sheegay in militariga ay faragelin sameynayaan si ay wax uga qabtaan dhibaatada ka dhex taagnayd xisbiga.
  • Ka dib waxaa dhalleeceeyay taageerayaasha Mugabe
  • Arbacadii, militariga waxay la wareegeen warbaahinta qaranka waxayna ku dhawaaqeen in ay ka hortagayaan dembiilayaal ku hareereysan Mugabe
  • Mr Mugabe wuxuu markaasi ka dib galay dhowr maalmood oo xabsi guri ah
  • Sabtidii, dibadbax ballaaran oo aan la fileyn ayaa ka dhacay Zimbabwe kaas oo looga soo horjeeday Mugabe iyo dadka taabacsan.

BBC