Xildhibaannada BF oo markii ugu horeysay laga qaadayo canshuur

Muqdisho (Caasimadda Online) – Markii ugu horeysay ayaa xildhibanada Golaha Shacabka Soomaaliya waxaa lagu soo rogay Canshuur ka qaadista Gunada ay qaatan.

War Qoraal ah oo ku taariikheysan 9 Bishaan kaas oo ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda looguna gudbiyay gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa lagu wargeliyay in lag bilaabo Bisha Octoper laga goyn doono Canshuurta.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa warqad uu 9-kii bishan u qoray Guddoomiyaha Golaha shacabka ayuu ku wargeliyay in Xildhibaanada aan wax canshuur ah laga goyn, wixii ka dambeeya October 2017 la bilaabi doono in canshuurista Gunnada ay qaataan Xildhibaanada.

Warqada ayaa lagu sheegay in talo bixi dhanka sharciga lala sameeyay Garyaqaanka Guud ee dowladda, taasoo lagama maarmaan noqotay in dib looga nodo canshuur dhaafkii loo sameeyay Xildhibaanada Golaha shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa bil walba mushaar ahaan u qaataan (Saddex Kun oo dollar) waxana la filayaa in arrintaan ay maalmaha soo socda dood ka yeeshaan.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa sidoo kale shaaciyay inuu socdo qorshe canshuur looga qaadaayo shaqaalaha ka shaqeeya Shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Beyle ayaa xisay in hadda dadka qaar aanan laga qaadin canshuurta ku waajbtay, sababo ku aadan in shuruucda looga qaadayo iyo nidaamka hadda ay socoto, si qof waliba oo muwaadin ah oo dalka ku sugan looga qaado canshuurta.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in canshuur dhaafka loo sameeyay Xildhibaanada uu ka hor imaanayo shuruudaha heshiiska SMP ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya kula jirto Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

Heshiiska SMP ayaa la sheegay inuu yahay wadada kaliya ee loo mari karo in Soomaaliya laga cafiyo deynta badan ee Caalamka looga leeyahay, haddii Soomaaliya ay ku guuldareysto inay ka soo baxdo shruudaha heshiiskan waxaa 10 sano dib u dhici doona rajada laga qabo in laga cafiyo deymaha, taasoo meesha ka saareysa in dowladda Soomaaliya loo furo fursadaha mashaariic horumarineed oo waa weyn oo dalka kaga bixi karo dhibaatada dhaqaale.